In ka badan 14 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dalka Pakistan ka dib markii uu shil galay bas siday dad ka soo laabtay xaflad aroos ah.
Baska ayaa ku dhacay webi ku yaalla Waqooyiga Pakistan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aroosadda oo uu dhaawac soo gaaray lala tacaalaya xaaladeeda caafimaad.
Sarkaal ka mid ah howlwadeennada samatabixinta oo lagu magacaabo Wazir Asad Ali ayaa sheegay in baska uu siday 25 ruux.
Waxaa uu intaasi ku daray in la helay meydadka 14 ka mid ah iyadoo 10 kalena la la’yahay.