In ka badan 13 ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib dhul go’ laga soo tabiyay waqooyiga bari ee dalka Malaysia.
Dhibaatadan ayaa aroornimadii hore ee maanta ka dhacday goob hooy u ah dadka halkaasi u tago fasaxyada.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta iyo dadaallada lagu raadinaya dhowr iyo toban qof oo kale oo weli la la’yahay.
Waxaa gurmadka qayb ka ah waaxyaha bixiya adeegyada degdegga iyo howlwadeennada 12 xarumood oo dab damis ah.
Maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka ee dalka Malaysia (NADMA) ayaa sheegay in 92 qof ay goobta ku sugnaayeen markii uu dhul go’a dhacayay.




