Ugu yaraan 12 qof oo lagu dilay weerarro ah Israa’iil ka fulisay Rafah

0
153

In ka badan 12 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil xalay ka gaysatay magaalada Koonfureed ee Rafah ee dalka Falastiin.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa sidatan ku warramaysa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabaabadaha dagaalka ee Israa’iil ay ku sii dhawaanayaan marinka dhanka Masar looga gudbo Rafah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo madaxa ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh uu sheegay in ay aqbaleen soo jeedin la xiriirta xabbad joojin ka dhaqangasha Qaza oo loo bandhigay.