Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa sheegtay in daadadka ka dhashay roobabka ka da’aya qaybo ka mid ah wadanka ay saameeyeen ismaamullo ay ka mid tahay magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay in ay fatahaadaha ku nafwaayeen.
In ka badan 17,000 oo qoysas ah ayaa barakacay.
Sidoo kale roobabkan oo soo billowday bartamihii bishii saddexaad ee sanadkan ayaa waxaa ku burburay guriyo iyo dhul beereed.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la saadaalinaya in roobabka ay sii di’i karaan ilaa horraanta toddobaadka dambe.