Ugu yaraan 107 qof oo ku dhintay dalka Congo ka dib dooni ay sarnayeen oo ku degtay webiga

0
430

Ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhintay ka dib markii dooni nooca whale-ka ah uu dab qabsaday galbeedka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda gudaha.
Wasaaradda arrimaha bulshada ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in doonida ay ku degtay mel u dhaw tuulada Malange ee dhulka Lukolela fiidnimadii Khamiista.
Kooxaha samatabbixinta ayaa soo badbaadiyay 209 qof oo ka mid ahaa rakabkii sarnaa doonta.
Shilkan ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii ugu yaraan 86 qof ay ku dhinteen markab kale oo habeenimadii Arbacada ku degay halka ay ku kulmaan webiyada Nsolo iyo Great Maringa ee deegaanka Basankusu, Waqooyi Bari ee tuulada Malange.