Ugu yaraan 10 askari oo lagu dilay Waqooyiga Galbeed ee Pakistan

0
214

Ugu yaraan 10 askari oo booliis ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Waqooyiga Galbeed ee dalka Pakistan ka dib weerar ay subaxnimadii hore ee saaka dabley ku qaadeen saldhig booliis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan ay ku dhaawacmeen 6 sarkaal oo kale.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyo in uu xiriir la leeyahay doorashada dhawaan ka dhaceyso wadankaasi.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo 8-da bishan ay doorasho guud ka dhaceyso dalka Pakistan.