Uganda oo meel marisay xeer ka dhan ah ka ganacsiga xubnaha jirka

0
266

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qalinka ku duugay xeer looga hor tagaya in la xado xubnaha iyo unugyada jirka baniaadamka.
Wasiirka caafimaadka ee wadanka Uganda Jane Aceng ayaa arrinkan ku shaacisay qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka.
Warbaahinta maxalliga ee Uganda ayaa sanadihii ugu dambeeyay soo tabinayay warbixinno ku saabsan haween dalkaasi u dhashay oo shaqooyinka guriyaha ka helay bariga dhexe ka dibna lagu khiyaanay inay maraan hab-raacyo dhanka qalliinka ah oo aan loo baahneyn taasoo keentay in kilyahooda la iibsaday.
Hindisaha uu Yoweri ansixiyay ayaa loo yaqaanaa Uganda Human Organ Donation and Transplant Bill 2023.
Xeerkan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah taariikhda dalka Uganda ayaa waxaa uu mamnuucaya ganacsi waliba oo la xiriira xubnaha jirka.
Qofkii dembigan lagu helo waxaa uu muteysan karaa xabsi daa’in iyo ganaax lacageed oo culus.
Bishii Sagaalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii wasiiradda caafimaadka ee Uganda ay qirtay in gudaha wadankaasi si wayn looga baahan yahay xubnaha jirka ee bukaannada loo bixiyo hasa ahaate uunan xilligaasi jirin xeer arrinkan lagu maareyn karo.