Waxaa maanta 36 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee wadanka ka dhacaya isreebreebka xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Codeynta ayaa lagu kala saaraya ku dhawaad 5,000 oo ah musharraxiin u hanqal taagaya jagooyinka kala duwan ee hoggaanka.
13 ka mid ah ismaamullada wadanka ayaa lagu xulan doonaa musharraxiinta xilalka barasaabnimo ee xisbiga UDA, 18 waxaa laga soo saaraya kuwa u tartamaya senatarnimada , 28 doonaya inay noqdaan wakiillada dumarka halka 13 deegaan baarlamaneed lagu dooran doono xildhibaannada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhammaan musharraxiinta ugu baaqay inay nabadda ku dadalaan inta uu socdo isreebreebka iyo ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud ee sanadkan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbiga UDA uu diyaariyay qaab kasta oo lagu xaqiijinaya in kala saaridda musharraxiinta ay u dhacdo qaab madax bannaan oo caddaalad ah.
Hasa ahaate meelaha ay cabashada ka soo yeerayso waxaa ka mid ah ismaamulka Bomet oo musharraxiin uu ka mid yahay xoghayihii hore ee ururka macallimiinta KNUT Wilson Sossion ay sheegayaan inaysan ku qanacsanayn geeddisocodka isreebreebka maadaama sida ay hadalka u dhigeen ay dareemayaan in musharrax gaar ah looga eexanaya.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xisbiga UDA ,Anthony Mwaura ayaa laga soo xigtay in deegaannada kala duwan la geeyay 75,000 oo ah warqadaha codeynta.
Howlaha isreebreebka oo billowday 6-dii aroornimo ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 5-ta galabnimo ee maanta in kastoo meelaha qaar dib u dhac laga soo tabinaya.