UDA oo ku adkeysanaysa inay 6-da bisha dambe isticmaali doonaan Nyayo Stadium

0
654

Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku adkeysanaya inuunan waxba iska beddeli qorshihii ahaa in isku soo baxa siyaasadeed ee ugu dambeeya uu 6-da bisha Siddeedaad ku qabto fagaaraha cayaaraha ee Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee UDA ,Veronica Maina.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay horay codsi ugu direen wasaaradda cayaaraha oo ay xita bixiyeen lacago laga doonayay.
Veronica ayaa carrabka ku adkeysay in heshiiskii horay loo gaaray uu weli shaqeynaya sidaas awgeedna aan laga hor istaagi karin inay goobtaasi dadweynaha kula hadlaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddiga cayaaraha ee Sports Kenya uu sheegay in 6-da bisha soo socoto aan isku soo bax lagu qaban karin garoomo ay ka mid tahay Nyayo maadaama kulamo nabadeed ay halkaasi ka dhici doonaan.