Xisbiga talada wadanka haya ee UDA ayaa hakiyay qabsoomidda doorashooyinka deegaannada hoose ee loogu codeynaya mas’uuliyiinta kala duwan ee xisbiga gaar ahaan ismaamullada Nairobi, Narok iyo West Pokot.
Go’aankan ayaa la gaaray ka dib markii uu madaxweynaha wadanka William Ruto guddoomiyay shirka golaha qaran ee fulinta ee (NEC) kaasi oo xalay ka dhacay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo Xoghayaha Guud ee UDA Cleophas Malala.
Xisbiga ayaa bayaan ku sheegay in madaxweyne Ruto uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Anthony Mwaura ka dalbaday inuu ka gudbo ismaamullada Homa Bay iyo Busia maadaama doorashooyinkii deegaannada ee la qabtay aan wax muran ah la gelin.
Hasa ahaate, waxaa uu faray in la hakiyo codeynta ismaamullada Narok, West Pokot iyo Nairobi ilaa inta laga xallinaya muranno jira.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka xusay in ay qasab tahay in la tixgeliyo amarrada maxkamadda ee ku aaddan dib u dhigidda doorashooyinka.
Waxaa uu ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua u xil saaray inuu hoggaamiyo wada xaajoodyo ay xal siyaasadeed ku gaarayaan labo dhinac oo isku haya doorashooyinka hoose ee xisbiga UDA ee ismaamulka Nairobi.
Sidoo kale ,guddiga fulinta ee UDA ayaa cadeeyay in afhayeenka arrimaha doorashooyinka ee xisbiga uu yahay Antony Mwaura oo ah guddoomiyaha doorashooyinka si meesha looga saaro kala duwanaansho dhanka isgaarsiinta ah oo dhawaan xisbiga saameysay.
Waxyaabaha kale ee shirka NEC ka soo baxay waxaa ka mid ah in si buuxda loo adeegsado codeynta elektorooniga ah si loo xoojiyo cadaaladda iyo daahfurnaanta.
Sidoo kale, waxaa la ansixiyay in wajiga labaad ee codeynta ay ka qabsoonto 13 ismaamul sida Wajeer, Garissa,Uasin Gishu,Siaya,Kwale,Mombasa Tharaka Nithi iyo Nyandarua .