Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in marka la qabanaya isreebreebka , siyaasiyiinta aan tartanka ku jirin laga howlgelin doono ismaamullada wadanka.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu yeeshay guddiga arrimaha doorashooyinka ee UDA.
Xoghayaha guud ee xisbigan Veronica Maina ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol-leeyahay xaqiijinta caddaaladda iyo madax bannaanida geeddisocodkan.
Waxay intaasi ku dartay in tallaabadan ay xisbiga UDA awood u siin doonto inuu la tacaalo caqabadaha siyaasadeed iyo xaaladaha aan la filan ee ka soo bixi karo kala xulashada musharraxiinta doonaya inay bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamaan xilalka hoggaanka.