Xisbiga United Democratic Alliance (UDA) ayaa dacwad rasmi ah u gudbiyay Saldhigga Booliiska ee Ishiara, iyagoo ku eedeeyay hoggaamiyaha Xisbiga DCP Rigathi Gachagua iyo xulafadiisa inay abaabuleen qorshe lagu carqaladeynayo isu soo baxyada mucaaradka ee Axadda maanta ah ka dhaci doono deegaanka Waqooyiga Mbeere.
Iyada oo la hadashay saxaafadda daqiiqado ka dib markii ay gudbisay dacwadda, Guddoomiyaha UDA ahna barasaabka dowlad deegaanka Embu Cecily Mbarire ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga uu helay sirdoon la isku halleyn karo habeenkii Arbacada oo tilmaamaya qorshe isku xiran oo lagu daadgureynayo dad ka soo jeeda meel ka baxsan deegaanka Waqooyiga Mbeere iyo guud ahaan ismaamulka Embu.
Sida laga soo xigtay Mbarire, qorshaha ayaa ujeeddadiisu tahay in la sameeyo fowdo inta lagu jiro safarka mucaaradka, kaas oo uu hoggaamin doono Gachagua si uu u taageero Newton Karish, oo ah musharraxa xisbiga DCP ee doorashada ku celiska ah ee deegaanka Waqooyiga Mbeere.
Mbarire ayaa sheegtay in dhallinyarada la shaqaaleysiiyay la sheegay in la siiyay shaatiyo summad u leh UDA, taasoo ay ku tilmaantay shirqool lagu doonayo in lagu ceebeeyo xisbiga talada haya iyo musharraxiisa, Leonard Muthende, haddii rabshado ay dhacaan.
Waxaa ay sidoo kale shaaca ka qaaday in xisbiga uu mas’uuliyiinta siiyay liis shaqsiyaad la rumeysan yahay inay isku dubaridaan abaabulka ka socda meelaha ay ka mid yihiin Sagana, Kirinyaga, Kayole, Ruiru, iyo meelo kale oo ka tirsan Nairobi.
Mbarire ayaa intaas ku dartay in UDA aysan ogolaan doonin in lagu jiido iska hor imaadyo loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo sumcadda xisbiga.
Waxaa ay sidoo kale cambaareysay muuqaal ay dhawaan duween taageerayaal ka tirsan xisbiga UDA oo soo bandhigaya hanjabaado ka hor booqashada Gachagua, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in kuwaasi ay ahaayeen aragtiyo shaqsiyeed oo aan ka tarjumayn mowqifka xisbiga.
Home Wararka Kenya UDA oo dacwad u gudbisay booliiska iyadoo sheegtay in Gachagua uu qorshaynayso...




