UDA oo burisay natiijada doorashooyinka ku celiska ee goobo ka tirsan Narok

0
344

Guddiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee xisbiga wadanka hoggaamiya , UDA ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashooyinkii ku celiska ahaa ee 4-tii bishan ka qabsoomay labo ka mid ah goobaha codbixinta ee ismaamulka Narok.
Tani ayaa loo aaneeyay khaladaad dhanka codbixinta ah oo la soo tabiyay.
Goobahan ayaa kala ah Entiyani oo ka tirsan deegaanka hoose ee Olokurto ee Waqooyiga Narok iyo Mosiro oo ka tirsan Bariga dowlad deegaankaasi.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee UDA, Anthony Mwaura ayaa war saxaafadeed ku sheegay in iyadoo la tixgelinaya sinnaanta iyo calaaladda in ay lagama maarmaan tahay in labada xarumood ee kor ku xusan mar kale laga codeeyo.