UDA oo beenisay in saraakiil u shaqeeya dowladda ay u xil saartay doorashooyinkeeda

0
205

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA , Cleophas Malala ayaa beeniyay eedeyn uga timid ODM oo ahayd in ay arrimaha doorashooyinkooda u xil saareen qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu Malala ka sheegay in ODM aynan u qalmin in ay UDA kala taliso dimuqraadiyadda siyaasadeed ee xisbiyada.
Waxaa uu ku doodaya in ODM ay shaacisay inay qabanaysa doorashooyinka deegaannada ka dib markii ay UDA soo bandhigtay qorshaheeda .