Guddoomiyaha guddiga qaran ee doorashooyinka ee xisbiga UDA (NEB) Antony Mwaura ayaa amray in mar kale la qabto doorashooyinkii isreebreebka ahaa ee shalay ka dhacay deegaananda Kasarani iyo Kabete .
Bayaan uu soo saaray ayuu Mwaura ku sheegay inay qasab tahay in lagu noqdo codeynta deegaanka hoose ee Mwiki oo ka tirsan Kasarani, Gitaru iyo Nyaduna oo hoos tago deegaan baarlamaneedka Kabete ee ismaamulka Kiambu.
Doorashooyinka ku celiska ah ayaa dhacaya maanta oo Jimco ah.
Xubnaha xisbiga UDA ee ku sugan deegaanka hoose ee Mwiki, ayaa mar kale codkooda ka dhiiban doono goobaha codbixinta ee dugsiga hoose ee Mwiki Primary , xafiiska ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka Mwiki iyo kaniisadda St. Augustine Catholic.
Codeynta deegaannada hoose ee Gitaru iyo Nyaduna, ayaa lagu kala qabanaya dugsiga sare ee Kanyariri iyo dugsiga St. Mary’s Kaimba
Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shalay doorashooyin lagu kala saaraya musharraxiinta xilalka hoggaanka ku qabtay 36 ismaamul in kastoo meelaha qaar geeddisocodkan dib loo dhigay kadib tabashooyin soo baxay iyo caqabad dhinaca tasiilaadka ah.