Shirkadda Twitter-ka oo ka mid ah baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa sheegtay in dadka adeegsada ay bishiiba bixin doonaan 7.99 doolar.
Waxaa qorshahan ka mid ah in akoonnada kala duwan lagu laro midibka buluugga.
Astaantan ayaa hadda gaar u ah akoonnada la xaqiijiyay ee lagu kalsoonaan karo.
Arrintan ayaa qayb ka ah isbeddellada uu sameynaya madaxa shirkadda Twitter-ka ,Elon Musk.



