Waxaa maanta billaabatay turxaan bixinta shakhsiyaadka doonaya inay noqdaan xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ee CAS.
240 qof oo la soo xulay ayaa lagu turxaan bixin doona xarunta dhexe ee guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ee magaalada Nairobi.
Dadka la turxan bixinaya waxaa ka mid ah wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Garissa Canab Maxamad Guure, xoghayihii guud ee hore ee ururka macallimiinta dalka KNUT Wilson Sossion, barasaabkii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal, wariyihii hore ee telefishinka KBC Bonnie Musambi, Dennis Itumbi, senatarkii hore ee Lamu Anuar Loitiptip, xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Starehe ee ismaamulka Nairobi Charles Njagua, Thomas Lentangule oo soo noqday sarkaal ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC, Simon Mbugua oo xubin ka soo noqday barlamaanka bariga Afrika ee EALA iyo xubno kale.
Turxaan bixinta maanta billaabatay ayaa la soo gabagabeyn doona 7-da bishan.
Dadweyanha ayaa lagu casuumay inay soo gudbiyaan xog kasta oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan shakhsiyaadka la turxaan bixinaya.
Shakhsiyadka turxaan bixinta ku soo baxa ayaa magacyadooda loo gudbin doona madaxweynaha dalka William Ruto si uu ansaxiyo.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu soo magacaabay Xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe .
Dowladdii hore ayay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ka koobnaayeen 17.