Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagabeeyo turxaan bixinta 27 qof oo uu madaxweyne William Ruto u soo magacaabay xilalka safiirnimo.
Shalay ayay ahayd markii afar ka mid ah shakhsiyaadkan ay ka soo hormuuqdeen guddiga baarlamaanka ee uu hoggaamiyo Nelson Koech.
Waxay kala yihiin Stella Orina oo Kenya ku matali doobto Jarmalka , Nairimas Sharon Ole Sein (Spain), Maurice Makoloo (Austria) iyo Emmy Jerono Kipsoi (Kuuriyada Koonfureed).
Intii ay turxaan bixinta socotay , waxaa la qiimeynayay aqoonta arrimaha caalamka, ganacsiga , dibloomaasiyadda iyo fahanka ay ka haystaan waajibaadka loo igmaday.
Stella Orina oo tan iyo bishii 6-aad ee sanadkan ahayd agaasime ku xigeenka akadeemiyada adeegga dibadda ayaa ballan qaadday in haddii magacaabideeda la ansixiyo ay xoojin doonto dibloomaasiyadda dhaqaale.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay dadaal badan ku bixin doonto sidii sare loogu qaadi lahaa ganacsiga ka dhexeya Kenya iyo Jarmalka.
Ole Sein ayaa dhankeeda sheegtay inay Kenya ka dhigi doonto meel arrimaha dalxiiska looga soo hirto Spain.
Makoloo ayaa dhankiisa tilmaamay inuu xoogga saari doono dibloomaasiyadda deegaanka si looga badbaado saameynta isbeddelka cimillada iyo cunno yarida.
Sidoo kale waxaa uu ballan qaaday inuu xoojin doono iskaashiga dhanka ammaanka ee ka dhexeya Kenya iyo Austria si gaar ah ka hortagga khatarrada weerarrada intarneetka.
Prof. Kipsoi ayaa dhankeeda sheegtay inay isku xiri doonto xarumaha tacliinta sare ee Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed.
Nelson Koech, guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha difaaca , xiriirka dibadda iyo sirdoonka ayaa sheegay in safiirrada la soo magacaabay badankoodu ay leeyihiin fahan dibloomaasiyadeed wuxuuna ku boorriyay in haddii la ansixiyo ay ka shaqeeyaan sidii Kenya ay u noqon lahayd waddan loogu soo hirto dhanka maalgashiga.
Waxaa ilaa iyo hadda su’aallo la waydiiyay 24 halka saddexda kale maanta la wareysan doono.
Guddiga turxaan bixinta sameynaya ayaa laga doonaya inuu warbixintiisa baarlamaanka u gudbiyo 8-da bishan 11-aad ama xilligaasi ka hor.