Turxaan bixinta garsoorayaasha cusub ee maxkamadda racfaanka oo dib loo dhigay

0
203

Waxaa dib loo sii dhigay xilligii horay loo qorsheeyay in guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ee JSC uu turxaan bixiyo shakhsiyaad doonaya in ay ka howlgalaan maxkamadda racfaanka ee wadanka.
JSC ayaa sheegtay in 41 qof su’aallo la waydiin doono inta u dhexeysa 18-ka bisha Lixaad ilaa 9-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in turxaan bixinta la sameeyo laga billaabo 3-da ilaa 20-ka bisha soo socoto ee June.
Garsoorayaasha la turxaan bixinaya ayaa lagu wargeliyay in ay goobta su’aallaha lagu waydiin doono tagaan ugu yaraan 30 daqiiqo ka hor xilliga loogu talagalay.