Turxaan bixinta 7 qof oo doonaya in ay buuxiyaan xilka diiwaangeliyaha garsoorka oo billaabatay

0
219

Guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) ayaa maanta billaabay turxaan bixinta toddobo qof oo loollan ugu jiro xilka madaxa waaxda diiwaangelinta ee garsoorka dalka.
Shakhsiyaadkan ayaa laga soo dhex xushay 43 codsiyo soo gudbiyay.
Rose Macharia Wachuka oo hadda ka howlgasha xafiiska madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa ka mid ah shakhsiyaadka maanta ka soo hormuuqday guddiga JSC.
Shahsiyaadka kale ayaa kaal ah Jack Ouma Busalile Mwimali, Anne Wambeti Ireri, Paul Ndemo Maina, Caroline Kendagor Jepyegen iyo Kennedy Kandet Lenkamai.
Dadweynaha ayaa laga codsaday inay soo gudbiyaan warbixinnada ay hayaan ee ku aaddan shakhsiyaadka doonaya in ay beddelaan Anne Amadi oo jagadan haysay muddo 10 sano ah.
Waxaa xilkan si ku meel gaar ah ugu wareejisay ku xigeenkeedii Paul Ndemo.