Turkiga:6 qof oo la soo samatabixiyay

0
308

Waxaa lagu soo warramayaa in guddiga dalka Turkiga lagu soo badbaadiyay qoys ka kooban 6 xubnood ka dib markii la raadinayay ilaa 101 saacadood.
Kooxaha samatabixinta ayaa dadkan ka soo saaraya dhisme ku dhumay dhulgariirka hoostiisa magaalada Iskenderun ee Koonfurta Turkiga.
Murat Baygul oo ka mid ah saraakiisha samatabixinta ayaa sheegay in dadkan ay bad qabaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ugu yaraan 21,500 oo qof ay ku dhinteen dhacdooyinkii dhul gariirka ee Isniintii saameeyay dalalka Turkiga iyo Syria.
Ugu yaraan 18,342 oo dhimashadan ka mid ah ayaa laga diiwaangeliyay Turkiga halka Syria ay ku nafwaayeen in ka badan 3,377 qof.