Turkiga oo u yeeratay safiirkeedi Israa’iil

0
223

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in dib loogu yeeray safiirkii wadankaasi ku matalayay Israa’iil, si ay wadatashi ula yeelato.
Safiirka ayaa wax laga weydiin doona xaaladda bini’aadantinimo iyo weerarrada Israa’iil ay kawada marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horay u sheegay in ra’iisul wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu in hadda uusan ahayn qof ay dowladdiisa la hadli karto.
Wakiillada Israa’iil ee Turkiga ayaa dalkaasi isaga baxay bishii hore ka dib markii ay ka dhaceen magaalooyinka Turkiga dibadbaxyo lagu taageerayo Falastiiniyiinta.
Israa’iil ayaa markii dambe sheegtay inay u yeertay ergadeeda si ay u qiimeeyaan xiriirka labada dal.