Turkiga ayaa Arbacada maanta ah sheegay in dhammaan 20-kii qof ee saarnaa diyaarad nooca xamuulka qaado oo uu leeyahay milatariga dalkaas oo ku burburtay Georgia markii ay ka soo laabatay Azerbaijan ay dhinteen.
Diyaaradda ayaa waxaa ay ka soo kacday garoonka diyaaradaha ee Ganja ee galbeedka Azerbaijan galabnimadii Talaadada balse burburtay wax yar ka dib markii ay ka gudubtay xuduudda bariga Georgia, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in dhammaan 20-kii qof ee sarnaa diyaaradda oo ay ku jiraan shaqaalaha diyaaradda inay dhinteen.
Wali Turkiga ma aysan shaacin sababta ka dambeysay burburka diyaarada.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Georgia ayaa xaqiijisay in diyaaradda ay ku dhacday aagga Sighnaghi, “qiyaastii shan kiiloomitir (3.1 mayl) u jirta xadka gobolka Georgia uu la wadaago Azerbaijan.”




