Turkiga oo shan askari looga dilay waqooyiga dalka Ciraaq

0
472

Waxaa lagu soo warramayaa in la dilay shan ka mid ah ciidamada militeriga Turkiga ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Kurdiyiinta PKK ee ka dagaalama waqooyiga dalka Ciraaq.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga ee dowladdda Turkiga ayay arrinkan shaaca kaga qaadday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen iska hor imaad shalay ka dhacay meel u dhow sohdinta ay wadaagaan dalalka Ciraaq iyo Turkiga.
Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in askarta Turkiga ay isku dhaceen dagaalyahano ka tirsan kooxda (PKK), kuwaas oo ay dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah xulafadeeda reer galbeedka ay ugu yeeraan urur argagixiso.
Iska horimaadka lagu dilay saraakiishan ayaa dhacay intii lagu guda jiray weerarradii ugu dambeeyay ee uu Turkiga ku qaaday kooxda PKK oo saldhigyo ku leh waqooyiga Ciraaq.
Turkiga ayaa 17 askari looga dilay dagaalladii u dambeeyay ee uu la galay maleeshiyaadka Kurdiyiinta
Turkiga ayaa dhanka kale ku adkeysanaya in tobanaan ka tirsan dagaalyahanada PKK uu ku dilay howlgalka ugu dambeeyay balse dhimashada si madax banaan looma xaqiijin karin.
Kooxda PKK ayaa xeryo tababar iyo saldhigyo ku leh waqooyiga dalka Ciraaq, waxaana tan iyo sanadkii 1984-kii ay wadaan kacdoono hubeysan oo ka dhan ah dowladda Turkiga.
Waxaa tan iyo markaasi dagaalka labadan dhinac uu galaaftay nolosha 40,000 oo qof oo u badan rayid.