
Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Turkiga ay hawadeeda sare ka mamnuucday diyaaradaha rayidka iyo kuwa militari ee Ruushka ee ku wajahan dalka Syria.
Warbaahinta maxalliga ee Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka arrimaha dibadda ee wadankaasi Mevlut Cavusoglu ayaa sidatan ku warrantay.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay falcelintii ugu waynayd ee ay sameysay xukuumadda Ankara.
Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowladda Ruushka qorshahan lagu wargeliyay bishii Maarso oo ay haysatay ilaa bishan Afaraad.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu farriin arrintan ku aaddan la wadaagay dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov kaasoo dhambaalka u sii gudbiyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.