Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta ka qayb qaadanaya wareegga labaad ee doorashada guud ee ay ku soo xulanayaan madaxweyne hoggaamin doono shan sano.
Wareegii koowaad ee codbixinta ayaa dhacay 14-kii bishan May.
Madaxweynaha Turkiga mRecep Tayyip Erdogan ayaa xilligaasi helay boqolkiiba 49.5 ee codadka halka Kemal Kilicdaroglu oo matalaya mucaaradka uu soo hooyay boqolkiiba 44.9 ee codadkii la dhiibtay taasoo keentay in guddiga doorashooyinka ee wadankaasi uu shaaciyo in loo gudbaya wareegga labaad ee codeynta .