Tunisia oo kumanaan muhaajiriin ah si qasab ah ugu celinayso dalalkii ay ka kala imaadeen

0
228

Mas’uuliyiinta dalka Tunisia ayaa burburiyay teendoyinka ku meel gaarka ah oo ay ku noolaayeen 7,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah.
Dolwadda ayaa billowday inay si qasab ah ku musaafuriso qaar ka mid ah muhaajiriintaas sida uu sarkaal sare ee ka tirsan xukuumadaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Houssem Eddine Jebabli oo ah sarkaal ka tirsan Ilaalada Qaranka Tunisia, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tiro badan oo tahriibayaal ah loo xiray rabshado dhacay intii uu socday howlgalka.
Waxaa uu xaqiijiyay in dib u celinta qasabka ah ay billaabatay habeenimadii Jimcaha, maamulkuna uu sidoo kale doonayo in uu si iskood ah u celiyo kumanaan kale.
Ururrada u dooda xuquuqul insaanka ee maxalliga ah ayaa dhaleeceeyay maamulka, iyagoo ku eedeeyay hadalo cunsurinnimo ah, kicinta dadka tahriibayaasha ah iyo cambaaraynta ka dhanka ah dadka tahriibayaasha ah, taasoo keentay in xabsiga loo taxaabo dadka u dhaqdhaqaaqa caawinta muhaajiriinta Afrikaanka ah.
Madaxweyne Kais Saied ayaa 2023-kii sheegay in imaatinka kumanaan muhaajiriin sharci darro ah oo ka yimid waddamada Saxaraha ee Afrika ay tahay “shirqool lagu doonayo in lagu beddelo tirada dadka ee dalkiisa”.
Hadalkaasi ayaa waxaa dhaleeceyay Midowga Afrika oo ku tilmaamay hadal naceyb ah oo ka dhan ah dadka muhaajiriinta Afrikaanka.