Tunisia oo ay ka socota codeynta dastuur cusub oo xoojinaya awoodaha madaxweynaha dalkaasi

0
437

Dadweynaha dalka Tunisia ayaa maanta u codeynaya afti ay ku go’aaminayaan in la meel mariyo dastuur cusub oo uu madaxweynaha wadankaasi Kais Saciid dabada ka riixayo.
Aftida ayaa haddii la ansaxiyo ay kor u qaadi doonta awoodda madaxweynaha wadanka Tunisia Kais Saciid, kaas oo xafiiskiisa siin doonta ku dhawaad awoodo aan xadidnayn.
Taageerayaasha madaxweyne Kais Saciid ayaa aaminsan in haddi la ansaxiyo dastuurka cusub uu fududeyn doono nidaamka dowladnimo, islamarkaana uu hoos u dhigi doono xiisadda siyaasadeed ee wadankaasi ka taagan.
Madaxweyne Tunisa ayaa dhanka kale ku dhiirigeliyay codbixiyayaasha inay ka qayb qaataan codeynta dastuur cusub.
Kais Saied ayaa ka dib markii uu codeeyay, ayuu sheegay in si wadajir ah ay u aasaasayaan jamhuuriyad cusub oo ku saleysan xorriyad dhab ah, cadaalad iyo sharaf qaran.
Codbixinta oo billaabatay abaare 6-dii subaxnimo ee saaka ayaa soo xirmi doonto 10-ka habeenimo ee caawa.
Waxaa qiyaastii codadka laga dhiibanayaa ilaa 11,000 oo xarumood.
Aftidan ayaa imaaneysa sanad ka dib markii madaxweyne Saciid uu shaqada ka eryay xukuumadii, uuna kala diray baarlamaanka dalkaasi, taas oo mucaaradku ku tilmaameen afgambi.