Tunisia oo 12 sano oo xarig ah ku xukuntay hoggaamiyaha mucaaradka Abir Moussi

0
150

Maxkamad ku taal Tunisia ayaa ku xukuntay hoggaamiyaha mucaaradka caanka ah Abir Moussi 12 sano oo xarig ah iyadoo la wado olole ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo dadka dhaliila Madaxweyne Kais Saied, kaasoo sheegay inuu ka nadiifinayo dalka Waqooyiga Afrika khaa’imiinta.
Garyaqaan Nafaa Laribi, oo matalayay Moussi, hoggaamiyaha Xisbiga Xorta ah ee Destourian (Xisbiga Dastuuriga ee Xorta ah), dacwadeedii saddexaad muddo laba sano ah gudahood, ayaa xukunka ku tilmaantay mid aan caddaalad ahayn, iyadoo sheegay inaysan ahayn go’aan garsoor balse uu ahaa amar siyaasadeed.
Bayaan ay soo saartay ka hor xukunka, Xisbiga Xorta ah ee Destourian ayaa cambaareeyay cadaalad darrada uu la kulmay madaxweynaha xisbiga, Abir Moussi, taasoo si aan sharci ahayn loo xiray tan iyo Oktoobar 3-dii sanadkii 2023-dii.
Moussi waxay hoggaanka u haysay Xisbiga Xorta ah ee Destourian tan iyo 2016 waxayna taageere u ahayd Madaxweynihii geeriyooday Zine El Abidine Ben Ali, kaasoo ay xukunka ka tuureen dibadbaxyo ballaaran sannadkii 2011-kii.
Xisbigeedu wuxuu abaabulay dibadbaxyo ka dhan ah Madaxweyne Saied, oo xukunka qabtay sannadkii 2019-kii, isagoo xiray baarlamaankii la doortay sannadkii 2021-dii, una dhaqaaqay inuu ku xukumo waddanka awaamir.
Wuxuu sheegay in tallaabooyinkiisu ay ahaayeen isku day dalka looga badbaadinayo qallalaaso.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa la xiray sannadkii 2023-dii ka dib markii booliisku ay ku xireen albaabka madaxtooyada iyagoo looga shakisan yahay weerar lagu doonayay in lagu abuuro fowdo, xilli ay socdaan olole ballaaran oo lagu qaadayo saxafiyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha, kooxaha bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.