Tuhmane dad ku gubay xaafada Mukuru ee Nairobi oo gacanta lagu dhigay

0
173

Tuhmanaha la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay weerar dab ah oo ka dhacay Mukuru, kaasoo sababay dhimashada gabar siddeed jir ah iyo saddex kale oo qoyska ka tirsan oo gubasho halis ah qaba ayaa la xiray.
Tuhmanaha, oo lagu magacaabo Ronald Nyakohe oo 27 jir ah, ayaa lagu qabtay Isinya, halkaas oo uu ku dhuumanayay.
Weerarku wuxuu ka dhacay guri dowladeed oo loo yaqaan Boma Yangu oo ku yaal Mukuru Arbacadii toddobaadkii hore.
Ka dib xarigga, Nyakohe wuxuu sheegay in xaaskiisa, oo hadda ku jirta isbitaal Kenyatta National Hospital iyadoo qabta dhaawacyo gubasho oo daran, ay isku dayday inay ka tagto, sababo la xariirta inuusan lacag heysan.