TSC oo sheegtay in dowladdu ay bixisay 13.5 bilyan oo shilin

0
436

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ,Nancy Macharia ayaa sheegtay in dowladdu ay soo saartay lacag dhan 13.5 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay dhaqangelinta wajiga labaad ee heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee lala saxiixday ururrada bareyaasha ee waddanka.
Shalay ayay ahayd markii ay kulan yeesheen TSC iyo ururrada ay ku mideysan yihiin macallimiinta dalka in kastoo aan wax is-afgarad ah la gaarin.
Nancy Macharia , madaxa fulinta ee guddiga TSC ayaa sheegtay in maadaama ay dowladdu miisaaniyad bixisay in ururrada macallimiinta ee dalka laga doonaya in ay ka laabtaan wargelinnadii ku aaddanaa shaqo joojinta ee ay horay u soo saareen.
Waxay bareyaasha ka codsatay in ay dugsiyada iska xaadiriyaan Isniinta soo socoto si aan loo carqaladeyn habsami u socodka howlaha waxbarashada.