Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa billaabay geeddisocodka uu xeerarkiisa ugu dabaqaya barnaamijka sare u qaadidda aqoonta iyo tayada macallimiinta ee (TPD).
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii ay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ay qorshahan joojisay.
Hasa ahaate , sida ku xusan hindise sharciyeedka isbedellada ee TSC Amendment Bill 2024 ee loo gudbiyay baarlamaanka , waxaa uu guddigan doonaya in awood loo siiyo sharciyeynta TPD.
Maxkamadda ayaa xilligaasi sheegtay in aynan jirin xeerar loo adeegsan karo dhaqangelinta barnaamijkan sidaasi awgeedna aan lagu sii tallaaba qaadi karin.