Guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ayaa shaqooyinkii ay hayeen ka joojiyay barayaal dalbanayay in laga soo beddelo dugsiyada ku yaalla gobolka Waqooyi Bari sababo amni awgood.
Macallimiintan ayaa shaqada laga eryay ka dib markii ay ka gaabiyeen inay tan iyo bishii Sagalaad ee sanadkan iska xaadiriyaan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen in kastoo amarkaasi la siiyay.
Barayaashan ayaa TSC ku eedeysanaya inay ka tallaabsatay waajibaadkeeda shaqo.
Waxay wacad ku mareen in maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe ay dibadbax ka sameyn doonaan xarunta dhexe ee guddiga TSC ee magaalada Nairobi.
TSC ayaa sheegtay in macallimiintan ay haystaan muddo 21 cishe ah oo ay iskaga difaaci karaan shaqo joojinta lagu sameeyay.
Sidoo kale waxaa laga doonaya inay cadeeyaan xarunta TSC ee ugu dhow ee deegaankooda oo ay bishiiba hal mar ah tagi karaan.