TSC oo shaqaaleysiinaysa macallimiin beddelaya kuwii la tiray ee WQ

0
237

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa maanta xaqiijiyay inuu gobolka Waqooyi Bari ka howlgelinaya barayaal cusub.
Tani ayaa timid ka dib markii bishii hore shaqo joojin ku meel gaar ah lagu sameeyay macallimiin wax ka dhigayay dugsiyada gobolka Waqooyi Bari oo aan deegaannada u dhalan oo diiday inay dugsiyada ku laabtaan iyagoo cuskanaya amni darro.
Madaxa fulinta ee adeegga macallimiinta ee TSC , Nancy Macharia ayaa sheegtay in dadka doonaya inay macallimiin noqdaan ay foomamka codsiyada ka qaadan karaan xafiisyada agaasimayaasha guddiga ee ismaamullada.
Waxay dadka ka soo jeedo gobolka Waqooyi Bari ku boorrisay inay fursadahan buuxiyaan.
Dhanka kale Nancy Macharia ayaa caddeysay in macallimiintii cabanayay aan shaqo joojin lagu sameyn balse ay marayaan geeddisocod dhanka habdhaqanka ah.