TSC oo laga dalbaday inaynan shaqada ka joojin macallimiin diiday inay ka howlgalaan Waqooyi Bari

0
282

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC) ku amray inuunan shaqada ka joojin barayaal gaaraya 122 oo diiday inay dib ugu laabtaan dugsiyadii ay dhigayeen ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.
Macallimiintan oo cuskanaya sababo amni ayaa TSC waydiistay in ay ka soo wareejiso dugsiyadaasi balse waa laga diiday.
Hasa ahaate ku xigeenka madaxweynaha dalka oo hadal ka jeedinayay shirkii 63-aad ee ergada qaran ee ururka macallimiinta dalka ee KNUT oo lagu qabtay fagaaraha Kasarani Stadium ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in barayaasha aan u dhalan Waqooyi Bari ee codsaday in halkaasi laga soo beddelo ay keliya noloshooda badbaadinayeen.
Waxaa uu xusay in TSC aynan ciqaabi karin shakhsiyaad naftooda u cabsaday.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay xoogga saaraysa sidii ismaamullada gobolka Waqooyi Bari looga haqabtiri lahaa baahiyaha dhanka macallimiinta iyo in amniga si wayn loo adkeeyo.