Guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa ku dhawaaqay in 2,014 jagooyin macalinimo ay ka banaan yihiin guud ahaan dalka.
Musharixiinta ku guulaysta ayaa ku shaqayn doona shaqooyinka joogtada ah iyo kuwo howlgab ah.
Dalabka shaqaalaysiinta ayaa ujeedadiisu tahay in lagu buuxiyo 1,309 boosaska dugsiyada hoose, 32 fasalada hoose ee dugsiga sare iyo 673 dugsiyada sare.
Macallimiinta doonayo inay ka qayb gallaan ayaa loogu baaqay inay qabka online-ka ah ay iska diiwaan geliyaan ka hor Isniinta 19-ka bishan May ee 2025-ka.
Faahfaahinta boosaska banaan ee degmo iyo dugsiba sidoo kale laga heli karaa barta internet-ka ee TSC.
TSC ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay in shaqsiyaadka si ay ugu qalmaan boosaska ay ahaadaan muwaadiniin Kenyaan ah oo u diiwaangashan TSC.
Macallimiinta dugsiga hoose ayaa looga baahan yahay inay wataan shahaado P1, halka murashaxiinta fasalada hoose ee dugsiga sare iyo kuwa dugsiga sare ay u baahan yihiin shahaado xagga waxbarashada, darajada ugu yar ee C+ ee KCSE, iyo C+ laba maaddo oo waxbarid ah.
Arrintan ayaa imaanaysaa iyadhoo guddiga uu soo bandhigay inuu dhawaan banaanan doono xafiiska madaxa fullinta ee TSC oo haatan ay hoggaamiso Nancy Macharia.
Dr. Nancy Macharia ayaa xilkeeda uu dhamaani doonaa 30-ka bisha June ee sanadkan.
Shakhsiyaadka ku guuleysto inay xilka kala wareegaan Macharia ayaa shaqayn doona muddo shan sano ah, iyada oo ay suurtogal tahay in dib loogu magacaabo shan sano oo dheeraad ah.
Guddiga ayaa ugu baaqay cid walbo oo soo dirsani doonto codbixinta inay ahaadaan muwaadin Kenyaan ah oo haysto shahaadada jaamacada ee waxbarashada.