TSC oo ku baaqday in la soo codsado fursadaha macallinnimada ee bannaan

0
267

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha ee TSC ,Nancy Macharia ayaa ku baaqday in shakhsiyaadka daneynaya inay wax ka dhigaan dugsiyada wadanka ay soo dirsadaan codsiyadooda.
Madaxa TSC ayaa wakhtiga kama dambeyska ee codsiyadan la qabanaya ku sheegtay Jimcada soo socoto ee 23-ka bishan Diseembar.
Nancy Macharia ayaa carrabka ku adkeysay in tan iyo sanadkii 1997-dii ay markii ugu horreysay tahay in hal xilli la howlgeliyo 30,000 oo macallimiin ah.
Waxay dowladda dhexe uga mahadcelisay inay u qoondeysay miisaaniyad ay laga billaabo bisha koowaad ee sanadkan cusub ay ku shaqaaleysiin doonaan barayaashan.
Waxay ballanqaaday inay howshan u maareyn doonaan si daahfuran oo waafaqsan xeerarka dastuuriga ah iyadoo lagu saleynaya sinnaan iyo inuu qofka u qalmo jagada macallinnimo.
Dhanka kale waxay u mahadcelisay dhammaan macallimiintii iyo kormeerayaashii maareeyay imtixaanaadka KCPE-da ee sanadkan.