TSC oo amar siisay agaasimayaasha tacliinta ee ismaamullada

0
402

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC Nancy Macharia ayaa agaasimayaasha guddigan ku matalo ismaamullada iyo deegaannada amar ku siisay inay fasaxaan macallimiinta qaybta ka ah maareynta doorashada guud.
Wareegto ay soo saartay ayay ku sheegtay in agaasimayaasha laga doonayo inay barayaasha fursad u siiyaan la shaqeynta guddiga IEBC.
Nancy Macharia ayaa sidoo kale amartay in la xaqiijiyo in macallimiintan ay dib ugu soo laabtaan dugsiyada 11-ka bishan Siddeedaad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay si ku meel gaar ah loo xiray goobaha waxbarashada maadaama ay ka mid yihiin meelaha lagu qabanayo doorashada guud .