Trump oo uu u soo bandhigi doono qorshaha soo afjarida dagaalka Israa’iil ee Qaza hogaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta

0
595

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in uu soo bandhigo qorshe oo uu kala hadlo aragtidiisa ku aaddan soo afjarida dagaalka Israa’iil ee Qaza iyo mustaqbalka dhulkii inta badan la burburiyay ee Falastiiniyiinta oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta.
Trump ayaa magaalada New York kula kulmi doona hoggaamiyayaasha Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, Masar, Urdun, Turkiga, Indonesia iyo Pakistan, kulankaas oo uu barbar socon doono golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA) ee ka dhacaya New York, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka wada hadli doona sida ciidamada Israa’iil ay mustaqbalka uga bixi karaan Qaza, sida uu doonayo in madaxda gobolka ay u soo diraan ciidamo si ay u ilaaliyaan nidaamka, iyo sidii geeddi socod kala guurka iyo dib u dhiska loogu bilaabi lahaa loona maalgelin lahaa, sida ay ilo wareedyo aan la magacaabin oo Israa’iil iyo Carab ah u sheegeen Channel 12 ee Israa’iil iyo Axios oo fadhigeedu yahay Maraykanka.
Madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto, oo la filayo inuu ka qayb galo kulanka, ayaa ka sheegay shirka xalka labada dal ee Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya ay ku martigelinayaan Qaramada Midoobay Isniintii in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ciidamo nabad ilaalin ah u diro Qaza.
Qorshaha Qaza ayaa la sheegay in aysan diyaarin Israa’iil, balse Raa’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu la ogeysiiyay tafaasiisha. Waxaa la rumeysan yahay inay saadaalisay ku lug lahaanshaha mustaqbalka ee Maamulka Falastiiniyiinta (PA), arrintan oo ay Israa’iil ay ku celcelisay inayna u dulqaadan doonin.
Qorshaha ayaana lagu darin wax door ah oo ay leeyihiin Xamaas taas oo ay Maraykanka iyo Israa’iil dalbadeen in hubka laga dhigo oo meesha laga saaro.