Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta ka soo duulo gobolka Florida oo uu yimaado magaalada New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed.
Trump ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyay gabadh sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016-kii.
Mr.Trump, oo ah madaxweyne hore oo Maraykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa berri hortagaya maxkamadda Manhattan ka dib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli aad loo adkeeyey ammaanka.
Qareenada Trump ayaa sheegay inuusan dambi qiran doonin, eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida ku soo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa berri.
Sarkaal ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxkamadda hor imaan doono berri abaare 2:15 duhurnimo ee saacadda wadankaasi.