Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu la xiriiray hoggaanka Xamaas isagoo u sheegay in ay kooxda iska dhigto hubka ama si qasab ah looga dhigo.
Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Argentine Javier Milei in kastoo ay Xamaas si cad weli u sheegin inay hubka dhigi doonan.