Trump oo sheegay in Netanyahu uu aqbalay qorshihiisa nabadda ee Qaza

0
364

Aqalka Cad ayaa soo bandhigay soo jeedin ka kooban 20 qodob oo uu ku sheegay in ay si degdeg ah u joojin karto dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qaza, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 66,000 oo Falastiiniyiin ah, isla markaana ka dhigay dhulka Falastiin mid burbursan.
Haddii qorshahan labada dhinac ay aqbalaan, dagaalka waa in si degdeg ah loo soo afjaraa, iyadoo dhammaan maxaabiistii lagu hayo Qaza ee nool iyo kuwii dhintay lagu soo celiyay 72 saacadood gudahood, maxaabiista Falastiiniyiintana eek u jira xabsiyada Israa’iil la sii daayo. Marinka Qaza waxaa si ku meel gaar ah u maamuli doonta dowlad farsamo oo Falastiiniyiin ah, iyadoo aan wax door ah ku lahayn Xamaas iyo inay Israa’iil goosani doonin qayb ka mid ah Marinka.
Raa’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa aqbalay qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse sarkaal ka tirsan Xamaas Maxamuud Mardawi ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay in kooxda aysan weli helin qorsho nabadeed ee Qaza.