Trump oo sheegay in ay aad ugu dhow yihiin in heshiis lala gaaro Iiraan

0
763

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in ay aad ugu dhow yihiin in dowladda Iiraan ay la saxiixdaan heshiis la xiriira barnaamijka hubka Nukliyeerka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Tehraan ay u muuqato in ay oggolaatay shuruudaha.
Trump ayaa xusay in ay wada xaajoodyo dhab la yeelanayaan Iiraan si loo haleelo nabadgalyo muddo dheer jirta.