Waxaa lagu soo warramayaa inuu cirka isku shareeray suuqa saamiga ee Maraykanka.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu shaaciyay in muddo 90 cishe ah la hakiyay dhaqangalka canshuuro lagu soo rogay baceedooyinka laga soo saaro ku dhowaad 60 dal kuwaasi oo loo suuqgeeyo xukuumadda Washington.
Dhanka kale ,Trump ayaa canshuurta laga qaado badeecooyinka Shiinaha gaarsiiyay boqolkiiba 125 .