Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kor u qaaday canshuurta la saaraayo badeecadaha laga soo dejiyo Mexico boqolkiiba 5, isagoo ku eedeeyay dalka inuu ku guuldareystay inuu ilaaliyo heshiiska biyaha ee xuduudaha ka gudba.
Kor u qaadista canshuurta ayaa lagu shaaciyay farriin baraha bulshada ah oo uu soo dhigay gelinkii dambe ee Isniinta, iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Waqooyiga Ameerika ay sii xoogaysanayso.
Fariinta madaxweynaha Mareykanka ayaa dejisay dalab iyo waqti kama dambays ah.




