Trump oo markii afaraad sanadkan gudihiisa dacwad lagu soo oogay

0
261

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa iskuday la xiriira laalidda doorashadii madaxtinimo ee wadankaasi ka dhacday 2020-kii oo uu ku guul darreystay ee gaar ahaan gobolka Georgia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isaga iyo 13 kale lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ku jirto wax is daba marin.
Waa markii afaraad ee Trump lagu soo oogo dacwad sanadkan gudihiisa
Donald Trump ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Baaritaanada ka dhanka ah dacwaddan ayaa la billabay bishii Labaad ee sanadkii 2021-kii.