Trump oo la kulmaya Ra’iisul Wasaaraha UK

0
635

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gaaray Buckinghamshire si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Keir Starmer.
Waxay ka wada hadli doonaan arrimaha dibadda iyo ganacsiga oo ay ka mid yihiin siyaasadda labada dowladeed ay kula macaamilaan Israa’iil iyo Ukraine.
Waa maalinkii labaad ee booqashada Trump ee Ingiriiska.
UK ayaa shaacisay in ay shirkadaha Maraykanka la sameynaysa heshiisyo dhanka maalgashiga oo ku kacaya 150 billion oo Pounds una dhiganta 200 bilyan oo doollar.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kumanaan dibadbaxayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada London iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan safarka Donald Trump.
Waxay ku eedeynayaan inuu weli Israa’iil garab ku siinaya xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta Qaza.