Trump oo ku dhawaaqay inuu markabkii labaad oo ah kuwa diyaaradaha xambaara u dirayo Bariga Dhexe.

0
149

Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in markabkii labaad ee diyaaradaha xambaara ee Maraykanka uu “uu dhowaan” ugu ambabixi doono Bariga Dhexe, kadib markii uu Iran ugu hanjabay cawaaqib xanuun badan haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijkeeda nukliyeerka.
Trump ayaa wariyeyaasha kula hadlay saldhigga milatari ee Fort Bragg, isagoo sheegay in markabka USS Gerald R. Ford uu si dhakhso ah u bixi doono, isla markaana loo baahan doono haddii Iiraan aysan gaarin heshiis ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.
Trump ayaa tan iyo dibadbaxyadii ka qarxay Iiraan dabayaaqadii December ku celcelinayay hanjabaado milatari. Dibadbaxyadaas ayaa la kulmay tallaabo adag oo ay qaadeen mas’uuliyiinta, taasoo sababtay dhimashada kumannaan qof.
sidoo kale wuxuu adkeeyay in Mareykanka ay tahay inuu heshiis la gaaro Iran, isaga oo muujiyay inuu filayo in heshiiskaas la soo gabagabeeyo bisha soo socota gudaheeda.
Wargeyska The New York Times ayaa sharxay in la go’aamiyay in markabka diyaaradaha xambaara ee USS Gerald R. Ford iyo maraakiibta la socda laga soo wareejiyo Caribbean-ka loona diro Bariga Dhexe, iyadoo la filayo in aysan ku soo laaban dekedahooda ka hor dhammaadka Apiil ama bilowga May.
Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo Mareykanka iyo Iran ay todobaadkii hore bilaabeen wadahadallo dadban oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, xilli Donald Trump uu uga digay “cawaaqib aad u xanuun badan” haddii heshiis la gaari waayo.