Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay Afgaanistaan cawaaqib aan la cayimin haddii aysan dib u soo celinin gacan ku haynta saldhigga ciidamada hawada ee Bagram.
Hanjabaadda aan caddayn ee Sabtidii ayaa timid maalin kadib markii dowladda ay maamusho Taliban ay diiday baaqii Trump ee ahaa in la soo celiyo saldhigga, oo ku yaalla meel 64 kiilo mitir (40 mayl) u jirta caasimadda Afgaanistaan, ee Kabul.