Trump oo codsaday in Netanyahu laga cafiyo dacwad musuqmaasuq

0
369

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa warqad u qoray dhiggiisa Israa’iil Isaac Herzog, isagoo codsanaya in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu laga cafiyo dacwad dhanka musuqmaasuqa ah oo muddo soo jirtay.
Waxaa uu Trump kiiskaasi ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo dacwad oogidiisa aan qiil loo heli karin.
Netanyahu ayaa horay iskaga fogeeyay eedeymaha musuqmaasuqa ee loo jeediyay wuxuuna ku micneeyay bartilmaameedsi shakhsiyadeed.
Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu Netanyahu ugu mahadceliyay Trump oo uu xusay inuu garab istaag aan caadi ahayn u muujiyey.